Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Siyaasadda daryeelka iyo badbaadada bulshada oo la saluugay

Dadweynaha iswiidhishka ee codka bixiya ayaa gacanta ku sayriyey siyaasadda dowladda ee ku saabsan daryeelka iyo badbaadada bulshada. Sidaasna waxaa lagu muujiyey daraasad ay shirkadda Novus u sameysey idaacadda telefishanka ee SVT.

Su’aashii la weyddiiyey ayaa ahayd haddii ay u arkaan in daryeelka bulshadu ka soo wanaagsanaadey ama ka soo daray intii ka dambeysey doorashadii hore ee 2010.

Dhanka daryeelka bukaanka waxay boqolkiiba 60 ku jawaabeen in xaaladdu ka soo xumaatay ama aad uga soo xumaatay. Tiro intaas le’eg ayaa jawaab taas la mid ah ka bixiyey hawlaha badbaadada bulshada, sida gunnada shaqa-la’aanta iyo kaalmada dadka aan wax dakhli ahi soo gelin. Kolkii wax laga weyddiiyey waxbarashada dugsiyada, boqolkiiba 57 waxay ku jawaabeen in ay ka soo xumaatay ama aad uga soo xumaatay.

Xataa tirada dadka taabacsan xisbiga Mooderaatka oo qaba in xaaladdu ka soo xumaatay ayaa ka badan tirada qabta in xaaladdu ka soo wanaagsanaatay mar wax laga weyddiiyey hawlaha waxqabadka dugsiyada, rugaha daryeelka caafimaadka iyo gargaarka bulshada. Mar dadka xisbiga Mooderaatka taabacsan wax laga weyddiiyey hawlaha daryeelka bukaanka, waxay boqolkiiba 28 ku jawaabeen in xaaladdoodu ka soo xumaatay, meesha boqolkiiba 16 ay qabaan in ay xaaladdu sii wanaagsanaatay.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".