Johan Gustafsson tan iyo 2011 waxaa afduub ku heysta kooxda argagaxisada ah ee al-qaida. Foto: Al Jazeera.

Iswiidhish afduuban oo codsi jeediyey

Ururka argagaxisada al-qaida ayaa baahiyey video ay ka muuqdan todoba ruux oo afduuban oo reer galbeed ah uuna ku jiro nin Iswiidhish ah oo la yiraahdo Johan Gustafsson oo horey loogu afduubey galbeedka Afrika. Video:ga la soo bandhigey ayuu ninkan Iswiidhishka ah ka jeediyey codsi ah in laysku taxluujiyo sidii looga soo deyn lahaa kooxdan afduubka ku heysata.

Johan Gustafsson iyo nin koonfur Afrikan ah oo la socdey ayaa waxaa horey looga afduubey magaalada qadiimiga ah ee Timbuktu dalka Mali sannadkii 2011.

Wasaarada arimaha dibada ayaa iska diidey in ay wax faalo ah ka dhiibato videoga cusub ee la baahiyey balse saxaafada u tilmaamtey in ay la xiriirto danbi baarista qaran. Halka danbi baarista qaran ay ayana ka gaabsatey ka hadalka arintan.

(SVT)

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".