Foto: Claudio Bresciani/Scanpix

Ruux lagu tuhmayo in uu dhinaca qadka internetka caruur ku faro xumeeyey oo maxkamad la soo taagey

Nin lagu tuhmayo 25 fal oo ah faro xumeyn caruur dhinaca qadka internetka ayaa Maxkamada Örebro tinsrätt la soo taagey. 25 fal waxaa kamid u galmood caruur aan qaan gaar aheyn.

Ninka oo da'diisa ay tahay 45-sanno jir ayaa dacwada lagu soo oogey waxaa kamid ah in uu faro xumeyn u geystey gabar 13 sanno jir ah oo markii danbe nafta iska qaadey.

Sida ku xusan dacwada ka dhanka ah ninkan: gabadha 13 sanno jirka aheyd balse is-dishey ayuu ninkan ka dhaadhaciyey in ay sameyso fal-galmo ah ayaga oo isticmaalaya barnaamijka Skype. Ka bacdiina ninka ayaa gabadha ugu hanjabey in uu sawiradeeda gelinayo Facebook iyo instagram una dirayo tababareheeda fotbollka iyo macallimiinteeda hadii aysan mar kala u sameynin isla waxaas qadka internetka. Gabadha ayaa marar badan ka codsatey ninka in uu tirtiro sawirada galmada ah ee uu ka hayo hadii kale ay is-dileyso.

Dacwada ninkan loo heysto ayaa waxaa kaloo ku jiro falal denbiyeedyo galmo oo badan oo uu ugeystey gabdho yaryar oo ku nool galbeedka Iswiidhen.

Källa P4 örebro, TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".