1 av 2
2 av 2

Barlamanka Iswiidhen oo maanta furmaya

Maanta barlmaanka Iswiidhen ayaa furmayo oo galaya shaqadiisa ugu danbeysey muddadii afarta sanno aheyd ee la doortey.

Barnaamijka barlamanka ayaa maanta ku bilaabi doona yeerista magacyada xil-dhibaanada barlamaanka.

Xilliga qadada ka bacdiina waxaa la qabanayaa eebo bari lagu qaban doono kaniisada weyn ee ku taala Gamla Stan. Eebo bariga waxaa ka muuqan doonta kalo gedisanaan diimaha.

Saacado markey tahay labada galabnimo boqorka Iswiidhen iyo qoyskiisa ayaa barlamaanka soo gaari doona ayada oo uu soo dhaweyn u sameyn doono afhayeenka barlamaanka, kana dalban doono boqorka furista barlamaanka.

Markaas ka bacdii waxaa qodbad ka jeedin dona barlamaanka ra'iisalwasaare Fredrik Reinfeldt oo qiixi doona shaqooyinka ay xumadiisa qaban doonto sannad soo socda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".