Somalias president Hassan Sheikh Mohamud och EU-ordföranden José Manuel Barroso. Foto: Virginia Mayo/Scanpix.

Kulan lacag loogu ururinayey Soomaaliya oo shalay ka dhacay Brugsel

Barroso: Waan ku farax-sanahay dhaqaalaha loogu deeqey Soomaaliya
3:43 min

Maalin taariikhi ah ayuu ku tilmaamay José Manuel Barroso, hogaamiyaha hoggaanka ururka Midowga Yurub, taageerada loogu fidiyey sidii dalka Soomaaliya looga soo saari lahaa hogga uu ku jiro kullaan ballaaran oo isniintii ina dhaaftay 16-kii sebteembar ka dhacay magaala Brugsel ee caasimadda dalka Beljimka:

– Waxaan ku qab-weynahay inaan ballan qaadno taageero dheeri ah oo gaarsii-san 650 malyan oo ah lacagta euro-ga, mddaasina oo u dhiganta 5,7 bilyan oo koron – sidii gacan looga geey-san lahaa tallaabada labaad ee ku wajahan dib u soo nooleynta nolosha Soomaaliya, sida uu sheegay José Manuel Barroso.  

Halka ey dhanka kale saraakiil u hadashey ururka Al-shabaab oo isagu sheegta inuu ka tir-san yahay ururka al-qaacida ey kulanka soomaalida loogu qabtay magaalada Brugsel ku tilmaameen ”doolshe dusha ka macaan, hase yeeshee aanay hoosta kaga jirin wax macne ku fadhiya”

Kulanka maalintii isniinta ka dhacay magaalada Brugsel  ee caasimadda dalka Beljim ayey ka muujiyeen rajo wanaag-san dhammaan xubnihii ka kala socdey tiro gaareysa 50-meeyo dal iyo ururro caalami ah, halkaasina lagu muujiyey rajada laga qabo taageerada cusub ee loogu magac-darey ”New Deal – heshiiska cusub”, sidii ey uu Soomaaliya ugu hor-seedi lahaa xaalad ammaan oo ka wanaag-san, maal-gelin iyo in tiro dhallaan ka fara badan inta maanta ey iskuullo helaan.

Muddadii uu socday shir-weynahaasi oo ey ka qeyb qaateen xubnaha sare ee ururka EU-da ayey ereyo ka jeediyeen wufuud kala duwan ee ka socday waddammada caalamka iyo Soomaaliya, halkaasina oo uu sheegay mar uu ka hadlayey mada-weyne Xasan Shiikh Maxamuud in iminka ey dhammaadeen howlihii burcad-badeedda, isla-markaana loo baahan yahay sidii loo xakameeyn lahaa sababaha ku khasba dhallin-yarada iney falalkaa ku tallaabsadaan:
– Xeebaha soomaaliya ayey ku dhowaad ka suleen burcad-badeeddii. Iyada oo howsha iminka na hortaala tahay sidii loo tirtiri lahaa sababaha dhallin-yarada ku kalifa burcad-badeed-nimada. Middaasina oo aan ku heshiiney iminka inaan xoogga isugu geeyno, sidii aannu ku tirtiri lahayn, sida uu sheegay madax-weynaha dawladda Fedeaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, mar uu a hadlayay kulan isniintii ka dhacay magaalada Brugsel, midkaasina oo dhaqaale loogu ururinayey dhismaha dib u dhiska Soomaaliya. Qorshe loogu magac-daray New Deal.

Gaar ahaan kolka laga hadleyo burcad-badeedda ayuu ururka midowga Yurub EU, ku miisaaniyad geliyay la dagaalanka burcad-badeedda laga soo bilaabo illaa iyo sannadkii 2008 miisaaniyad gaarsiisan 10 bilyan oo koron.

Gunilla Carlsson (M), ahna wasiiradda taageerada caalamiga oo dhowaantan booqasho ku tagtay Soomaaliya halkaasina kullammo kula yeelatay madax-weynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, wasiirka arrimmaha dibadda, wasiirka dhaqaalaha iyo kooxo ka socdey ururrada bulshada ayaa hor-kaceeysay wafdigii kulanka maalintii isniinta ka dhacay magaalada Brugsel ee dhaqaalaha loogu ururinayey dib u dhiska Soomaaliya u matalayay dalkan Iswiidhen. Iyadoona sheegtay dabadeed booqashadii ey 6-dii sebteembar ku tagtay Muqdisho in xaaladda Soomaaliya ey sidii hore ka soo reeyneyso, isla-markaana ey kaalin ballaaran gacan ka geeysteen waddammada jaarka la ah Soomaaliya, sidoo kale ammaan u jeedisay hab wanaagga hoggaanka madax-weyne Xasan Shiikh Maxamuud.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".