Sawirle: Jessica Gow/Scanpix.

Lacag been abuur ah oo lagu arkey magaalada Västerås

Magaalada Västerås ayaa la isku dayey in lagu istimaalo lacag been abuur ah, sida uu qoray bogga internet-ka ee Dagenshandel. Shaqaalihii dukaanka la isku dayey in lagu isticmaalo lacag waraaq ah oo qiimaheedu yahay 500 oo koron ayaa ka shakiyey xariiqda buluugga ee lacagtaasi oo ka quwad wayneyd sidii lacagta caadiga ahyd.

- Waxaa suuqa iminka ku jira lacag been abuur ah, sidaa daraadeed waxaan kula talineyaa dhammaan shaqaalaha dukaammadu iney ka feejignaadaan, islamarkaana ku tallaabsadaan dhammaan tallaabooyinka ammaan ee lacagaha, sida uu sheegay Per Geijer, ahna madaxa laanta ammaanka ee ururka gedisleyda mar uu u warramayay war-geeyska Elektonikbranschen.

Toddobaadkii ugu dambeeyay ayaa lagu arkay lacag 500 oo koron oo been abuur ah goobo ey ka mid yihiin carriga Västmanland.

Isha/ Dagenshandel

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".