Miisaaniyadda sannadka foodda innagu soo haya oo la soo bandhigey

Dhaqaalaha Iswiidhen wuu ka sareeyaa badankood waddammada EU
2:25 min

Miisaaniyadda dawladda ee sannadka foodda innagu soo haya oo saaka lagu soo ban-dhigey xarunta baarlamanka waxaa lagu magacaabi karaa inay tahay miisaaniyaddii "boorasada lacagta lagu qaato" oo inta badan saameeyn ku yeelanaysa shaqaalaha. Waa miisaaniyad ey ku macaasheyaan shaqaaluhu.

- Xaalad cakiran ee dhaqaale ayaa caalamka ka aloosan, sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay sidii loo dardar-gelin lahaa kobaca dhaqaalaha dalka iyo sidii loo ilaalin lahaa shaqada, waana midda aan ku soo ban-dhigney miisaaniyadda, sida uu sheegay wasiirka dhaqaalaha Anders Borg oo saxaafadda u warramayay mar uu saaka shir jaraa’id ku soo ban-dhigay miisaaniyadda dawladda ee sannadka foodda innagu soo haya ee 2014.

Anders Borg oo ka hadlayey tallaabooyinka ugu muhiim-san ee miisaaniyadda sannadka foodda innagu soo haya dawladdiisu ku tallaab-san doonto ama qorsheeneyso ayaa sheegay iney ugu waaweyn yihiin adkeeynta dhaqaalaha reerka, tusaale ahaan dhimista khidmadda ee mushaarooyinka, dhimista khidmadda gunnada howl-gabka, sidoo kale in miisaaniyad dheeri ah la geliyo dadyoowga qaata taageerada dhaqaale ee kabidda kirooyinka.

Guud ahaan waxaa la oran karaa taageeridda kobaca dhaqaale iyo tacliinta gaar ahaan iskuulka iyo adkeeynta awoodda tartanka suuqa ee dalka.

Dhanka kale ayuu wasiirku shegay in dalka Iswiidhen uu ku sugan yahay xaalad dhaqaale ee sarreeysa, marka loo barbar-dhigo waddammo badan oo xubno ka ah ururka Miodwga Yurub. Middaasina u suurtagelineyso sidii uu dalkani uga soo kaban lahaa xaaladda dhaqaale ee cakiran, isla-markaana u gaari lahaa dhaqaale oo dheeli-tiran, sida uu sheegay Anders Borg.

Xaaladda shaqa la’aanta dalka ayaa ah mid aad u sarreeysa, iyadoo ey middaasi u dheer tahay shaqa-la’aanta baah-san oo heysata dhallin-yarada. Waa maxay haddaba qorshaha dawladda ee dhankaasi miisaaniyadda sannadka foodda innagu soo haya:
- Waxaan isku dayeynaa sidii aan hoos ugu dhigi lahayn xeeyn-daabka hor-taagan dhallin-yaradu iney ka gudbaan sidii ey ku geli lahaayeen suuqa shaqada. Annaga oo middaa ku sii xoojineeyna inaan dhinno khidmadda shaqaaleeynta ee dhallin-yarada da’doodu ka hooseeyso 23 sannadood:
- Iyo sidoo kale inaan adkeeyno goobaha laylisyada iyo xarfafadaha ey dhallin-yaradu ku qaataan.

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".