Sawirle: Janerik Henriksson / Scanpix

Baaritaan la xiriira ka hortagga falalka kadeedka

Cilmi-baareyaal ka howl-gala jaamicadda Istockholm ayaa lagu wadaa iney soo ban-dhigaan tallaabooyin looga hor-tegeyo falalka kadeedka (Mobbning) ee la iskula kaco, iyada oo howlshaa la kaashaneya ururrada ka hortagga kadeedka oo uu ka mid yahay ururka lagu magacaabo saaxiibabada (Freinds), howshaasina oo uu machadka khasnadda Wallenberg ku howl-geliyay miisaaniyad gaarsii-san 8 malyuun oo koron.

Culimada ayaa looga fadhiyaa iney wax ka ogaato xaaladaha falalka kadeedka, habka uu u biloowdo qaasatan kolka laga hadleyo dhallaanka iskuullada xannaanada iyo fasallada siddeedaad, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter (DN).

Hayadda maamulka iskuullada (Skolverket) ayaa muddo iminka saddex sannadood laga joogo shaaca ka qaaday in aan wax natiijo ah laga gaarin dhammaantood qorshooyinkii gaararka ahaa ee horay hoowlahaa wax looga qabanayay.

Isha/ DN

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".