Goobaha ay dawladdu miisaaniyaddeeda gelin doonto

Wasiirka dhaqaalaha ee dalkan Iswiidhen Anders Borg ayaa maanta soo ban-dhigay miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2014. Hoosta waxaad ka akhrisan kartaa dhammaan dhinacyada ey dawladdu miisaaniyad gelin doonto sannadka foodda innagu soo haya.

· Ku war-gelinta macaamiisha aalad telefoon iyo internet: 15 malyan

· Qorshe la xiriira habka shaqada: 97 malyan

· Dammaanad qaadka shaqada iyo taageerada shaqaaleeynta: 116 malyan

· 1 000 goobood ee tababarro xirfad "Samhall": 94 malyan

· IFAU - qiimeeynta siyaasadda suuqa shaqada: 12 malyan

· Macallimiin cusub oo dheeri ah: 377 malyan

· Kor u qaadidda saacadaha ardeyda cusubi dhigtaan afka: 45 malyan

· Laylis iyo xirfado shaqo: 12 malyan

· Kor u qaadid khidmadda khamriga: 730 malyan

· Kor u qaadid taageerada kirada "bostadsbidrag" ee qooysaska: 466 malyan

· Khidmadda bulshada oo dhallaanka laga dhimo: 140 malyan

· Taageerada shaqada YA (yrkesintroduktionsavtal): 221 malyan

· Isku dheeli-tirka kala duwanaanta a-kassan: 2,7 miljarder

· Dib ugu celin dhaqaale ee shaqa-bixiyaha iyo cilmi-baaraha: 445 malyan

· Dib ugu celin dhaqaale ee maal-gelin: 800 malyan

· Sahlidda xeerarka (kireeynta goobaha shaqada, xisaab-xirka khidmadda dahsoon iwm.): 230 malyan

· Khidmad ka dhimista howl-gabka: 2,5 bilyan

· Ka hor-tagga faqooqa: 20 malyan

· Dhimista khidmadda shakhsi ee shirkadleyda:qiyaastii 500 malyan

· Tababarka layliska, kharashka shirkadaha: 57 malyan

· Kor u qaadid taageerada habeeynta: 97 malyan

· Taageero degmooyinka qaabeeya layliska: 30 malyan

· Taageero loo fidiyo laamaha kala duwan: 15 malyan

· Dhimista khidmadda mushaarooyinka: 12 bilyan

· Kor u qaadidda saqafka khidmada dawliga: 3 bilyan

· Deeq wax-barasho ee ardeyda ajaaniibta: 150 malyan

· Xiriirka digitaalka ee hayadah lagula xiriiro: 38 malyan

· Kor u qaadidda dhaqaalaha deeqda ardeyda: 218 malyan

· Guutooyinka ciidammada qalabka sida: 200 malyan

· Dakhliga gawaarida cimilada u wanaag-san: qiyaastii 200 malyan (600 oo malyan muddo saddex sannadood ah)

Dhimista maadooyinka kiimikada ee nolol-maalmeedka: 25 malyan

Isha/ Ekot

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".