Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Henrik Montgomery/TT

Dooddii garabyada baarlamanka ee miisaaniyadda dawladda

Borg oo sacab ku muteeystay jawaabtii SD
4:25 min

Sida caadaduba horay u ahayd ayaa baarlamanka la isku hardiyey dooddii miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2014. Wasiirka dhaqaalaha Anders Borg oo doodda furay ayaa ka bixiyay sawir ah dhaqaale liita ee caalamka iyo in dalka Iswiidhen uu ka mid yahay waddammada uu dhaqaalahoodu kaalinta ballaaran kaga sugan yahay marka loo barbar-dhigo waddammada kale. Wuxuu kaloo wasiirku ka digay khatarta ka iman karta haddii garabyada mucaaradu awoodda la wareegaan, iyadoo ay doorashadii dalka ka har-san tahay muddo sanad ah.

Natiijada siyaasadda xisbiyada garabka bidix ee casaan cagaarka ayuu sheegay Borg inay tahay kor u kac ku yimaada kharashka dawladda, cashuuraha iyo awoodda tartanka suuqa shaqada oo ka xumaada. Middaasi ayuu wasiirku ku tilmaamay dhabbo khaldan, waa sida uu aamin-san yahay.

Af-hayeenkii doodda ee xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga, Fredrik Olovsson, ayaa farta ku fiiqay tirada sarreeysa ee shaqa-la'aanta ku sugan, oo 70 000 oo ka mid ahi ey shaqa-la'aan ku sugnaayeen muddo laba sannadood ka badan:
- Siyaasadda dawladda ayaan ku shaqeeyn sidii hoos loogu dhigi lahaa tirada dadyoowga shaqa-la'aanta ku sugan. Iyadoo miisaaniyadda uu iminka soo ban-dhigay Anders Borg aanay middaa waxba ka qabanayn, maadama ay tahay siyaasad horay loo tijaabiyay oo aan lagu guuleey-san. Waa siyaasad qiyaastii 70% miisaaniyadda la soo ban-dhigay lagu dhimey khidmadaha.

Sven-Olof Sällström oo u hadlayay xisbiga (SD) ayaa wax iska weeydiiyay siyaasadda dawladda ee soo-galootiga iyo miisaaniyadda loo qoondeeyey. In miisaaniyadda la dhimo, halka ey kor u sii kaceeyso tirada soo-galootiga dalka timaada. Halka uu Borg sheegay inaanay siyaasaddiisu ku saleesnayn wax is-daba marin:
- Balse yeeynaan su'aashaa ka dhigan mid muhiimad ku fadhida. Dhowr malyuun xagga iyo dhowr malyuun xaggan, kolka aan ka hadleyno dadyoow dalkoodii ka soo qaxey oo aannu arkeyno in loo adeegsadey hubka sunta kiimikada. Oo haddii mar un uu xitaa xisbiga SD masuuliyad middaa ka dareemo waa markan oo kale.

Ulla Andersson-ta xisbiga Bidixda ayaa mar kale ku celisay in dawladdu miisaaniyaddeeda 27 jeer lacag ka badan gelisay dhimista khidmadda kolka loo barbar-dhigo hoowlaha iskuulka, dar-yeelka caafimaad iyo xannaanada:
- Borg waxay kaga dheggtay arrinka boorsada lacagta, miyaanuse jirin xad u deg-san yaraanta tirada loo qoondeeyey boorsada dhaqaalaha hab-nolol-wanaagga. Waa mid iminka aad u fakhriya oo dhaqaaluhu ku yar yahay, maadaama dhaqaalihii la geliyey dhimista khidmadda mushaarooyinka.

Hase yeeshee Borg ayaan middaa ku raacin, isagoona sheegey in nidaamka hab-nolol-wanaagga lagu miisaaniyad geliyey miisaaniyad 100 bilyan ka badan wixii ka dambeeyay sannadkii 2006. Borg ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay shaqa abuur si miisaaniyad loogu helo hab-nolol-wanaagga bulshada, isagoo dhanka kale ka digey in awoodda loo dhiibo xisbiyada garbka midig, middaasi oo hor-seedaysa iney kor aad ugu kaco ceeymiska xannuunku:
- Waan la soconaa halka uu kharashku geleyo mar haddii la furo boorsada lacagta. Iyada oo markaa ey kor kacayaan dadyoowga xanuunka ku qoran, horay u gelidda howl-gabka iyo faqooqa kooxo bulshada ka mid ah. Waa mid halis ku ah ammaanka dhaqaale ee bulshada. Waa midda sababaysa iney xisbiyada garabka Bidix ee S, Mp iyo V ey khatar ku yihiin habka nolol-wanaagga bulshada ee dalka.

Ilaha/ debatten, tt

                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".