Annie Lööf (C) iyo Jan Björklund (Fp). Sawirle: Henrik Montgomery/TT.

FP: Waa in la joojiyo shirkadaha maalgelinta ee Rikskapital-ka

Hogaamiyaha xisbiga Shacabka Fp, Jan Björklund ayaa shaaca ka qaaday mar uu la hadalayay idaacadda la iska daawado ee SVT in xisbigiisu soo jeedinayo in laga mamnuuco iney shirkadaha maal-gelinta ee lagu magacaabo "riskkapitalpolag" iney ka howl-galaan hoowlaha dar-yeelka caafimaad iyo dar-yeelka waayeelka.

Halka dhanka kale uu doonayo inuu shuruud isku mid ah hor-dhigo shirkadaha ka howl-gala caafimaadka iyo dar-yeelka waayeelka iyo kuwa ka howl-gala iskuulaadka mulkida loo leeyahay. In la hor-dhigo shuruudda ah in mustaqbalka dheer lagu fekero.

Sidaa daraadeed ayuu xisbiga Shacabku soo jeediyay in shuruudaha lagu adkeeyo shirkadaha ku talo jira iney ka howl-galaan hoowlaha dar-yeelka caafimaadka, middaasina lagu gaareyo laba waddo oo kala ah: Amma iney ogolaansho ka helaan hayadda dawliga ee kor-meerka caafimaadka ama ey maamullada degmooyinku hor-dhigaan shirkadahaa shuruudaha noocaasi ah.

- Waxaannu dooneynaa inaan meesha ka saarno shirkadaha maal-gelinta ee khataraha u gala sidii ey macaash ku heli lahaayeen, maadaama aaney hoowlahooda ku saleeysneyn mustaqbalka dheer. Dantooduna waxaa keliya ay tahay sidii ey muddo dhow ugu macaashi lahaayeen. Ma ahan shirkado u wanaag-san iney goobahaa ka howl-galaan.

Qorshaha maamulka xisbiga Fp ayaa la hor-keeni doonaa kulan-sannadeedka ey wakiillada xisbiga ee bilaabmi doona khamiista foodda innagu soo haysa. Halka uu Björklund sheegay inuu aamin-san yahay taageero ballaaran in loo hayo fikirkaa. Dabadeedna uu xisbigu ku tallaab-san doono sidii uu uga dhaadhicin lahaa xisbiyada ey ku mideeysan yihiin awoodda dalka.

Isha/ SVT

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".