Sawirle: Josefin Patzauer/Sveriges Radio

Ajnebi dalka soo galo oo waxtar u leh ganacsiga dibedda ee Iswiidhen

Mar walba oo shirkad iswiidhish ahi shaqaaleyso qof ajnebi ah waxaa kordhaya ganacsiga dhoofinta shirkadaha iswiidhishka. Sidaasna waxaa lagu muujiyey daraasad cusub oo dhowaan soo baxday.

Andreas Hatzigeorgiou oo ah dhaqaale-yahan ka hawlgala jaamacadda Lund ayaa qoraalkii qalin-jebinta jaamacadda ku qoray in haddii boqolkiiba toban oo ajnebi ahai ay dalka soo galaan ay boqolkiiba 4.5 kordhayaan badeecooyinka loo dhoofiyo dalalka ay dadkaas ajnebiga ahi ka soo jeedaan. Sidaas oo kale mar walba oo ay shirkadi shaqaaleyso qof ajnebi ah, waxaa boqolkiiba hal kordhaya badeecooyinka shirkaddu u dalka uu qofkaasi ka soo jeedo.

Dadka ajnebiga ahi waxay xiriiro cusub oo door weyn ka cayaari kara ganaxsiga dibedda. Waxaa isaguna ganacsiga dibedda waxtar weyn u heerka tacliinta sare.

Andreas Hatzigeorgiou iyo Magnus Lodefalk oo ka socda jaamacadda Örebro waxay daraasad ku sameeyeen 12000 oo shirkadood oo iswiidhish ah, ahna nooca waxsoosaarka, intii u dhexeysey 1998 iyo 2007. Waxayna daraasaddaas ku ogaadeen in ay shirkadahaasi ganacsi la lahaayeen in ka badan 170 dal. Ganacsigaas dibeddu waqti dheer ayuu qaatay, waxaana loo eegayey dalka uu asal ahaan qofka shaqaalaha ahi ka soo jeedo. Waxaana daraasadaas lagu sameeyey shaqaale tiradoodu gaareyso 600 000 oo, oo boqolkiiba 12 ay dalka dibeddiisa ku dhasheen. Taas laga arkaayey in ay door weyn ka qaadato ganacsiga dibedda.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".