Jonas Åkerlund, hoggaamiye-xigeenka xisbiga Sverigedemokraterna. Sawirle: Henrik Montgomery/TT

Dalka ha laga saaro 500000 oo ajnebiga ah oo nagu dulnool

Hoggaamiye-xigeenka xisbiga Dimoqraadiyiinta Iswiidhen Jonas Åkerlund ayaa hadda ku dooda in xisbigu uu qaato mowqif ah in aan loo dulqaadan dad-faquuqa. Xubno badan ayuuna xisbiga ka saaray. Balse wargeyska Aftonbladet ayaa hadda shaaca ka qaadey in la helay cajlado laga duubay mar uu isaga qudhiisu uu raadiyaha kaga dhawaaqay afkaar cunsuriyad ku dhisan. Mar lagu waraystay Raadie xisbigu leeyahay wuxuu ajnebiga waddanka ku nool ku sifeeyey kuwo dadka ku dulnool isagoo soo jeediyey in dalka laga saaro oo dalalkoodii loo celiyo dad ajnebi ah oo tiradoodu gaareyso nus milyan ama 500000.

Barnaamijkaas raadiyaha laga siidaayey oo uu wargeyska Aftonbladet dhegeystey waxaa la siidaayey sannadkii 2002. Jonas Åkerlund oo kolkaas jirey 53 sano wuxuu siyaasi ruug-caddaa ah. wuxuu soo ahaa wakiil xisbiga Mooderaatka u fadhiya golaha maamulka degmada Ockelbo, kadibna wuxuu sannadkii 2002 noqday ruuxa koowaad ee liiskii uu xisbigiisu ka soo sharraxay Stockholm. Sannadkaas 2002 wuxuu isaga iyo qof kale oo dumar ah oo xisbiga horay xubin uga ahaan jirtey, laguna magacaabo Gun Kullberg, bishii mar raadiyaha ka siideyn jireen barnaamij. Halkaas ayuu ku faafin jirey aragtiyadiisa ku saabsan ajnebiga iyo qaxootiga dalka soo gala isagoo isticmaalaya magac kale oo ahaa Viktor:

- Waxaan dalka di buga saari lahayn 500 000 oo qof oo ah kuwa muuqda oo nagu dulnool, waa kuwa aan u baahnayn wax badbaadin ah. Wax kale Iswiidhen u ma yimaadaan oo aan ka ahayn in ay dhaqaalaha naga nuugaan. Haddii aan nus milyan dadkaas ka mid ah dalalkoodii ku celin lahayn, dhaqaalaha Iswiidhen muddo sannad ah ayuu si xooggan isugu beddeli lahaa ", ayuu Jonas Åkerlund ka yiri mid ka mid ah barnaamijka sannadkaas laga siidaayey raadiyaha xisbiga.

Jonas Åkerlund wuxuu hadda sheegay in uusan xilligaas siyaasad ahaan bislayn laakiin ma uusan sheegin sababta uu hadda u beddelay aragtidiisa siyaasadeed oo ku aaddan ajnebiga. Mar weriye wargeyska Aftonbladet weyddiiyey in sababta uu aragatidiisa u beddelay ay tahay in uu xisbiga ka noqday hoggaamiye-xigeen, wuxuu ku jawaabey:

– Haa waa sidaas, laakiin waajib iguma aha inaan la hadlo Aftonbladet oo ah wargeyska ku caanbaxay in uu ceeb naga sheego.

Jonas Åkerlund wuxuu kaloo markaas qabay in goobo xabsiyo laga iibsado dalalka ay dadkaas ajnebiga ahi ka soo jeedaan si loogu dadka saddex jiil Iswiidhen ku noolaa oo dembiyada ka gala dalka iyo in dhammaan eheladooda dalka laga masaafuriyo.

Balse afhayeenka saxaafadda ee xisbiga Linus Bylund wuxuu sheegay in Jonas Åkerlund uu hadda iska fogeeyey isticmaalka ereyadaas iyo in ay hadda arrintaas tahay mid laga masaxay siyaasadda xisbiga. Jonas Åkerlund wuxuu baarlamaanka soo galay sannadkii 2010, wuxuuna xubin caadi ah ka yahay guddiga dastuurka.

Isha: Aftonbladet/TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".