Sawirle: Lennart Nordenstein/Sveriges Radio.

Nin boliisku ku toogtey xero qaxooti oo ku taal gobolka Värmland

Ciidamada boliiska ayaa shalay fiidkii toogasho ku dilay nin ku noolaa guryo qaxootiga loogu talagalay oo ku yaal Hagfors ee gobolka Värmland. Boliisku wuxuu sheegay in xalay saacaddu kolkay ahayd siddeeddii iyo soddon daqiiqo ay telefoon looga soo diray guryaha qaxootiga oo ku yaal Geijersholm oo lagu wargeliyey in nin sarkhaansan uu dadka la dagaalamayo. Isla markiiba waxay ciidamada boliisku halkaas u direen baabuur boliis la saaran yahay oo markii ay halkaas yimaadeen kula kulmay nin mindi ku hubeysan oo albaab xoog u garaacaya. Askari ka mid ah boliiska ayaa u arkay in xaaladdu khatar oo hubkiisii shaqadada nishaabka u qabtay. Labaatan daqiiqo kadibna waxaa la xaqiijiyey in ninkii sarkhaansanaa meyd yahay.

Boliisku waxay maanta xaqiijiyeen in ninkaas boliisku toogtey oo 45 sano jir ahaa uu degganaa guryahaas qaxootiga, uuna xerada khamiistii soo degey.

Guryahaas degaanku waxay ka koobaan yihiin qolol ay dadka ku nooli ka fushan karaa hawla-maalmeedka, waa guryo ay Hay’adda Socdaalku u hireysey dadka magangelya-doonka ah. Guryahaasina caadi ahaan ma ahan kuwo shaqaale joogo.

Isha: Nyheter P4 Värmland

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".