Sawirle: P4 Kalmar

Dumarka xayrta laga qalo oo khatar ugu sugan in ay ilmo dhicis ah dhalaan

Dumarka inta aysan uurqaadin ka hor laga qalay xayr ay khatar ugu sugan yihiin in ay dhalaan ilmo aan xilligiisii gaarin oo miisaankiisu aad u yar yahay.

Sidaas waxaa lagu qoray saraasad uu soo saaray Machadka Karolinska oo maanta lagu dabacay wargeyska British Medical Journal, oo ah wargeys lagu qoro arrimaha caafimaadka la xiriira.

Culumada qoraalkaan soo saartay waxay daraasad ku sameeyey carruur tiradoodu dhan tahay 2500 oo hooyooyinkood horay looga qalay xayr, kadibna waxay barbardhigeen carruur gaareysa 12 500 oo aan hooyooyinkood laga qalin cayil xayri keentay. Natiijadii daraasadda ka soo baxday waxaa si cad uga muuqatey in hooyooyinka xayrta qalay ay khatar labajibbar ah ugu sugan yihiin in ay dhalaan ilmo xilligiisii ka soo hormaray ama nafaqadu ku yar tahay. Sababta ay sidaas ugu muuqatana weli mugdi ayaa ku jira.

Balse ma jirto sabab dumarkaas xayrta laga qalay looga la taliyo in ay uurqaadaan, ayuu Olof Stephansson oo ah dhakhtar dhalliinka, isla markaasna ka mid ahaa culumadii sameysey daraasadda.

- Waa in aan isla markaasna ogaanaa in dumarka aadka u cayilani ay khatartu aad ugu korodhay intii uurka lahaayeen. Kuma oranayo dumarka xayrta la qalay ha is daayaan in ay uurqaadaan. Balse waxaan qabaa in dumarkaas si dheeraad ah loogu daryeelo rugaha daryeelka caafimaadka hooyooyinka, ayuu Olof Stephansson oo isaguba ah dhakhtar dhalliin.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".