Dugsi ku yaal waqooyiga Stockholm. Sawirle: Urban Brådhe

Arday baaritaan lagu sameeyey si galmo loogu dirqiyo

Arday da’ yar oo dhigata dugsi ku yaal xaafad waqooyi kaga aaddan Stockholm ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey lagu cadaadiyey wax loogu yeeri karo weerar ujeeddo galmo laga leeyahay oo uu/ay soo qaaday/qaadeen qof ama dad daneeya la galmoodka carruurta oo ku hadla afka ingiriisiga.

Marka badan ayey shakhsiyaad sheegtay in ay yihiin ”gabdho” iyo ”wiilal” la soo xiriireen ardayda dhigata fasalada afraad ilaa lixaad. Shakhsiyaadkaas isqarinaya ayaa iyagoo isticmaalaya ammaanid iyo in ay faaniyaan ku guuleysteen in ay ardaydaas la bilaabaan sheekooyin la xiriira galmada iyo jirkooda. Kadibna waxay ugu hanjabeen in ay waxyaalihii ay ka qoreen ay Internet soo gelinayaan haddii aysan carruurtaas ardayda ahi soo dirin sawiradooda ama aysan oggolaan in ay ka qaybqaataan sheekada fiidiyaha.

Ilaa hadda ma jiro arday uu wax ka soo gaaray hanjabaaddaas. Balse laba waqti oo kala duwan ayey boliiska dacwadi soo gaartey. Dugsiguna wuxuu hadda waalidiinta u diray digniin ay uga feejignaanayaan arrintaas.

- Ahmiyadda ugu weyn ayaan arrintaan siineynnaa, ayuu yiri maamulaha dugsigu. Wuxuu kaloo maamuluhu ka dhawaajiyey in maamulada dugsiyadu ku khasban yihiin in ay hab cusub u abbaaraan dhibaatadaan ka jirta Internet. Matalan waxaa dugsiga ka macallin culuunta casriga ah ee IT si uu waqtiga buuxa uga shaqeeyo su’aalaha arrintaan la xiriira.

Isha: Metro

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".