Tareenkii shilka galay oo la filayo in waqto hore meesha laga jiido

Waxaa la filayaa in maanta ahaanba meesha laga jiido tareenkii subaxnimadii talaadada khadkiisa ka baxay isagoo maraya saldhigga Stockholm Södra.

Sida lagu sheegay saadaashii ugu dambeysey waxaa la rajeynayaa in dhammaan qaybaha tareenkaas xamuulka qaada laga jiido goobtaas isla maantaba saacaddu marka ay tahay labada duhurnimo oo taasina ay suurtageliso in khad kale loo furo gaadiidka tareenada.

- Taasi waxay xoogaa fududeyneysaa isu kala gooshka gaadiidka tareenada, laakiin weli waxaa jiri doona dhibaato la xiriirta xannibaad weyn oo gaadiidka tareenada ku timaadda. Sidaasna waxaa yiri Lars Hedström oo Wakaaladda gaadiidka iyo waddooyinka u qaabbilsan arrimaha saxaafadda.

Waxay horay wakaaladda gaadiidka iyo waddooyinku u sheegtay in ay maalmo badan qaadaneyso in tareenkaas meesha laga jiido, oo laga yaabo in ayba gaarto habeen jimcaha.

Hadda waxaa khadkaas shilku ka dhacay isaga mara ilaa 14 tareen saacaddii, halkii ay horay ka ahaan jirtey 24 tareen saacaddiiba.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".