Sawirle: Nyheter P4 Kronoberg

Machadkii mujaahiriinta ee Växjö oo albaabada la isugu laabayo

Machadka muhaajiriinta oo hadda lacagtii ka dhammaatay ayaa guddiga machadka mamulaa codsaday in gebi ahaanba machadkaas la baabi’yo.

Sidaas ayaan lagu joojinayaa dhammaan hawlihii ka socdey aqalka loo yaqaan Aqalka Mujaahiriinta (Utvandrarnas hus). Waxaa waxyaalaha machadka lagu soo bandhigi jirey ka mid ahaa bandhigyo, daraasooyin, maktabad iyo qoraalo taariikhi ah.

Dhibaatadaan dhaqaaluhu waxay machadka soo haysey sanooyin badan, taas oo ay ugu wacneyd dhaqaalihii la siin jirey oo ka joogsaday iyo iyadoo uu khilaaf soo kala dhexgalay machadka iyo laamihii maalgelin jirey oo kala ah maamulka degmada Växjö iyo kan gobolka Kronoberg, sida ay soo werisey idaacadda telefishanka ee Smålandsnytt.

Ilaa haddana la oga meesha loo wareejin doono waxyaalaha halkaask u urursanaa, balse waxaa suurtagal ah in loo wareejiyo Machadka mujaahiriinta oo ku yaal magaalada Göteborg.

Machadkaan waxaa la asaasay sannadkii 1965 si loo kaydiyo qoraalada iyo xusuusta taariikhiga ah, iyo wareysyo laga qaaday xilligii ay dad badan oo iswiidhish ahi haajireen oo ahayd 1846-1930, kolkaas oo ay dalka ka haajireen dad iswiidhish ah oo tiradoodu dhan tahay 1.3 milyan oo qof oo badankood u haajiray dalka Maraykanka.

Isha: TT, SVT:s Smålandsnytt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".