Sawirle: Fredrik Sandberg/ TT.

Qiyaasta daawooyinka waayeelka la siiyo oo ku kala duwan degmooyinka

Farqi weyn ayaa ka jira dalka qaybihiisa hadba qiyaasta daawada dadka waayeelka loo qorayo. Sidaasna waxaa lagu muujiyey daraasad ay wadajir ururada hawlgabka oo af-iswiidhishka loogu soo gaabiyo PRO iyo SPF uga sameeyey dad da’doodu ka sarreyso 80 sano.

Dad badan oo waayeel ah ayaa la siiyaa daawooyinka aad u badan, oo kuwo badan oo ka mid ay noqon karaan kuwo aan ku habbooneyn, sida daraasadda lagu qoray.

Daawoonyinkaasi waxay tusaale ahaan keeni karaan welwel, dhalanteed is tus iyo in ay dhacaan ama kufaan.

Daawooyinkaas badan  oo waayeelka loo qorona waxay degmooyinka u keenaan in kharashyada ku daryeelka caafimaadku ay sare u kacaan, sida ay sheegeen ururada dadka hawlgabka ah.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".