Cillado ka jira shaybaarada lagu baaro unugyada jirka

4:47 min

Shaybaar ku yaal gobolka Jämtland oo lala xiriirinayo fadeexadii ku saabsanayd baaritaanada unugyada jirka ma uusan ahayn mid ruqsad haysta, taas oo la micne ah in aan la hubin tayada waxqabadkiisa. Sidaasna waxaa lagu muujiyey baaritaan uu sameeyey barnaamijka Uppdrag granskning oo laga siidaayo idaacadda telefishanka ee SVT.

Weriyayaasha barnaamijku waxay baaritaan ku sameeyeen ilaa 30 shaybaar oo dalka ku yaal, kuwaas oo lagu sameeyo baaritaanada unugyada. Waxaa baaritaankii barnaamijka Uppdrag granskning ka soo baxay in saddex meelood oo meel, waa tobaneeyo shaybaar, aysan haysan wax ruqsad ah xaqiijineysa waxqabadkooda.

Waxay ahayd gu’gii sannadkii 2012 kolkii dumar gaaraya 125 oo ku nool gobolka Jämtland ka warheleen in isbeddel ku yimid unugyada jirkooda, oo qaarkood ay halis yihiin, in kastoo horay loogu wargeliyey in ay caafimaadqabaan.

Isha: TT