Go’aan maanta laga gaarayo diiwaangelintii boliiska ee Roomerka

Weli waxaa socota dooddii ku saabsan diiwaangelintii boliiska Skåne ku sameeyey kumanaan qof oo ka soo jeeda qowmiyadda roomerka. Mar dhow ayaa la soo bandhigi doonaa go’aan ku salaysan baaritaan lagu sameeyey arrintaan.

– Haddii aannu halkaas ka ogaano in la sameeyey war-ururin sharci-darro ah oo ay hayd in la burburiyo, blooiskuna uusan qaadin tallaabooyin sharciga waafaqsan, waxaan kolkaas arrinta u gudbineynnaa hay’adda qaabbilsan ilaalinta macluumaadka shakhsiyaadka oo iyagu awood gaar u leh arrintaan wax ka qabadkeeda. Sidaasna waxaa tiri Eva Melander Tell oo ah guddoomiyaha guddiga ammaanka iyo ilaalinta karaamada dadka.

Maanta gelinka dambe saacaddu markay tahay kowda iyo soddon daqiiqo ayuu guddiga ammaanka iyo ilaalinta karaamada dadku go’aan ka gaarayaa wixii baaritaankooda ka soo baxay. Guddiga ammaanka iyo ilaalinta karaamada dadka waa guddi dowli ah oo hoos taga wasaaradda caddaaladda, hawlihiisana ay ka mid yihiin kor ka ilaalinta sida ay hay’aduhu dembiyada u la dagaalamaan iyagoo adeegsanaya habab sir ah.

Isha: Nyheter P4 Malmöhus