Cayaarta kubbadda cagta ee Iswiidhen iyo Bortuqaal

Maanta saacaddu marka ay tahay siddeedda iyo shan iyo afartan daqiiqo ayey cayaar kulul ku dhexmari doontaa kooxaha kubbadda cagta qaranka ee Iswiidhen iyo Bortuqaal, cayaartaas oo ah mid ay kooxdii badisaa ugu gudbeyso tartanka cayaaraha kubbadda cagta adduunka oo sannadka dambe lagu qaban doono dalka Baraasiil.

Cayaarta caawa dhacaysana waxaa lagu qabanayaa garoonka Estádio da Luz oo ku yaal magaalada Lisaboon.

Waxay dad badani saadaalinayaan in ay cayaarta ku guuleysaneyso kooxda Bortuqaal oo ay u cayaarayaan laacibiin caalami ah oo ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo, Pepe iyo Fábio oo saddexduba ku cayaara naadiga Real Madrid, laakiin waxay kooxda iswiidhishku ku dadaali doonaan in ay iska caabbiyaan. Wuxuuna culeyska weyni saaran yahay difaaca kooxda Iswiidhen.

Cayaarta labaad oo ay labada kooxood iskaga hor iman doonaan waxaa 19 bisha Noofember lagu garoonka Friends Arena oo ku yaal degmada Solna.

Isha: TT/Radiosporten

Fråga

Cayaaryahanada dheesha u bilaabaya kooxda Iswiidhen:

Goolhayaha: Andreas Isaksson

Difaaca: Mikael Lustig, Per Nilsson, Mikael Antonsson, Martin Olsson

Kaalinta dhexe: Sebastian Larsson, Rasmus Elm, Kim Källström, Alexander Kacaniklic

Weerarka: Zlatan Ibrahimovic, Johan Elmander.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.