Boliiska Kanada dad u qabtay falal la xiriira faraxumeyn carruur

Toddobo ruux oo iswiidhish ah ayaa lagu qabtay weerar boliiska Kanada ku qaaday dad dunida daafaheeda ku nool oo isku urursaday shabakad caalamiga oo ku hawllan arrimaha la xiriira u galmoodka carruurta. Waxaa ilaa hadda kontomeeyo dal laga qabtay ilaa 341 qof. Dadkaas waxaa ka mid ah tobaneeyo iswiidhish ah oo lagu tuhunsan yahay in ay qayb ka ahaayeen falalkaas carruurta lala galmoodo.

– Waxaa jira toddobo dacwo o o na loo soo gudbiyey, labo ka mid ahna waa la qabtay. Sidaasna waxaa idaacadda Ekot u sheegay Björn Sellström oo madax u ah qaybta boliiska dembi-baarista u qaabbilsan dembiyada la xiriira la galmoodka carruurta.

Dhanka kale boliiska Toronto wuxuu sheegay in meelo badan oo dunida ka mid ah laga helay falalkaas lagu la kacay oo tiradoodu gaareyso 386, haddana ay sugan yihiin ammaan.

Isha: TT