Ahmed "Caqabada Soomaalida ka hortaagan dhexgalka waa hab dhaqanka qabiiliga ah"

5:13 min

Soomalida si ay is-dhex-gal uga sameyso bulshada Iswiidheen waxaa loo bahanyahay in ayaga marka hore is-dhexgal dhexdooda ka bauuraan. Soomaalida kama qayb qaadato doodaha siyaasadeed ee Iswiidheen waxaana ugu wacan isku xidhnaan la’aanta bulshada soomaalida oo ay sabab u tahay kalo qaybsanaanta dhanka qabiilka. Sidas waxaa aaminsan Ahmed Nur Kheyre oo asaga iyo afar kale soomalida Iswiidhen qoral doodaha ku soo bandhigeen toddobadkan wargeyska Aftonbladet.

- Soomaalida ka qayb qaadata doodaha siyaasaded ee Iswiidhen aad bay u yaryahiin, sidaas darteed ayaan u qorney qoraalka. Ahmed ayaa u arka sababta aysan soomaalida Iswiidhen uga qayb qaadan dooda siyaasadeed ee ka taagan in ay ugu wacantahay marka hore dhibaada siyaasadeed ee ka taagan dalkoodii hooyo. Balse mid ugu daran oo soomalida kalo qaybineysa ay tahay arinta ku sabsan qabiilka.

- Sababo badan ayaa jira, soomalida ku nool mahan keliya Iswiidhen balse caalamka oo dhan ayaa ah dad aan isku xirneyn dhaqankooda ku saleysan yahay qabiil. Waxaa ku nool Soomaali badan Iswiidhen iyo jaaliyado ay leeyahiin badanaase soomaalida ma lahan wax wadajir ah taas oo u sabab ah dhaqankooda qabiil, ayuu yeri Ahmed Kheyre. Asaga iyo afar kale oo reer Soomaalida Iswiidhen ayaa inta lagu guda jirey asbuucan ku qorey qoraal wargeyska Aftonbladet oo ay kaga hadlayeen sida soomaalida dalka ku cusub gacan loogu siin lahaa dhexgalka iyo laqabsiga bulshada Iswiidhen. Waxuuna sheegey in asaga iyo dhallinyarada kale ee ay isla qoreen qoralka ay ka siman yahiin keliya in ay yahiin dhallinyaro soomaalida reer Iswiidhen ah oo wax bartey oo aan laheyn qaab fakereedka qabiilka ku dhisan

Jaaliyadaha Soomaalida waa kuwo iska soo horjeeda oo iska daba shaqeeya, waxey keentey in la waayo ruux bulshada ka tirsan oo u hadla madaame ruux weliba ka baqayo in asaga qabiil lagu riixo ayuu yeri Ahmed. Qoyska Ahmed ayaa dalkan yemid xilligii toddobaatameeyadii. Afartii sanno ee ugu danbeeyey waxuu ka soo shaqeeyey waddomo ku yaala bariga Afrika, oo ay kamid tahay soomaliya. Dhex-gal xumada Bulshada Soomaliyeed waxey keentey in dhallinyaradii bulsahda ka qob qobaanadaan oo ay u gacan galaan xag jiriin, sida uu qabo Ahmed.

- Badaanaa wiilasha nocaas waxey ku guul-dareysteen nolashooda, iskuulkey ku guul-dareysteen, waxey faro gashteen faldenbiyeedyo. Marka waxey raadiyaan koox ay ka tirsanaadan, markaana waxey u gacan galaan kooxa noocaas ah. Waa sida ay ilmaha Iswiidhiska ah ugu gacan galaan dhaq-dhaqaaqyada midigta xagjirka ah sida Naadziga oo kale, ayuu yeri. Waxaa u fiican dadka soomaalida in ay garowsadaan in dhibaatada soomaaliya ay waqti dheer sii socon doonta ilmo badan oo soomaaliyeed halkan ku dhalan doonaan sidaa daraaded ay ka fakaraan wanaag ilmahooda oo ay dhexgalka bulshada ku dadaalaan. Waddada ugu sahalan oo ay Somalida iminka dalka soo galeysana  is-dhexgal ku sameyn karaan waa luuqada oo ay bartaan.  Balse masuulida ku soo biirinta bulshada dadka dalka ku cusub waxey sidoo kale saarantay degmooyinka dalka. Sida ay degmooyinka arintaa u wajahaan ma ahan mid qalad la’aan ah ayuu aaminsanyahay Ahmed.

- Degmooyinka wxaa looga baahan yahey in shaqaaleeyaan dad soogalooti ah oo ka shaqeeya arimahan. Ma ahan soomaalida keliya balse xataa qaxootiga Suuriya iyo Iraaq ka yimaada. Ma soconeyso ruux degmada ka shaqeeya oo mar dhow ka soo qalin jabiyey jamacada maadada socionom in uu asaga kilgii arimahan ka shaqeeyo. Waa in xataa la shaqaaleyo dadka soogalootiga ah ayuu yeri Ahmed Nur Kheyre.