Iswiidhen oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u adeegsada hawlgalada Afqaanistaan

Ciidamada xoogga dalka Iswiidhen ayaa diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ka soo iibsaday dalka Maraykanka.

Diyaaradahaas aan duuliyaha ayey ciidamada iswiidhishka oo Afqaanistaan ku sugan u adeegsadaan hawlo sirdoon ah. waxaana lagu talajiraa in guuto walba oo ka tirsan ciidamada Iswiidhen ka jooga Afqaanistaan ay haystaan hal diyaarad oo ah nooca aan duuliyaha lahayn. Sidaasna waxaa lagu daabacay wargeyska maalinlaha ah ee Sydsvenskan.

Waxaa la og yahay in hawlgalada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo Maraykanku ay ku dileen ugu yaraan afar kun oo qof dalalka Afqaanistaan, Bakistaan och Yeman, waxaana weerarada diyaaradahaas loogu magacdaray "dagaalkii cayaarta kombiyuutarka" maadaama diyaaradahaas laga hago kombiyuutaro meel kale yaal.

Hoggaanka ciidamada xoogga dalku wuxuu sheegay in diyaaradahaas loo isticmaalayo oo qura in ay difaacaan ciidamada iswiidhishka.

Isha: Sydsvenskan, TT