Weli waxaa Iswiidhen ka jira dad dibedda ka jooga horumarka bulshada gaartey

Iswiidhen waa dal ka horumaray nolol-wanaagga bulshada, dowlad-wanaagga sharciga ku dhisan iyo hannaan-wanaag dimoqraadiyad ku dhisan. Haddana waxaa weli dad aan waxtar ku haysan horumarkaas. Sidaas awgeed ayaa loogu in wakiil u hadla loo qabto dodyowga laga tirada badan yahay, ayey Christina Johnsson, oo madaxa qaybta cilmi-baarista ee machadka Raul Wallenberg oo maalin dhoweyd ka hadashay kulankii maalmaha xuquuqda aadanaha oo lagu qabtay Stockholm. Waxay aamminsan tahay in si cad loo qeexo baahida loo qabo wakiil u dooda dadyowga laga tirada badan yahay kadib shaac ka qaadiddii diiwaangelintii qowmiyadda Roomerka.

- Waxaan qabaa in habka ugu dhaqsaha badan oo arrintaan wax looga qaban karo ay tahay in loo saaro machad xuquuqda aadanaha oo madax-bannaan ama wakiil dadyowga laga tirada badan yahay si loo baaro hawlaha hay'adaha iswiidhishku qabtaan iyadoo laga eegayo xeerarka caalamka ee ku saabsan xuquuqda aadanaha. Waxaanna aamminsanahay in ay taasi tahay habka ugu qaxqabadka wanaagsan. Sidaasna waxaa tiri Christina Johnsson.

Xuquuqda aadanuhu ma ahan oo qura in ay qayb ka noqoto hannaanka bulshada ee waa in ay qayb ka noqotaa daldalool ka eegidda hannaanka bullshada. Sidaas in ay ahaato ayey ahayd. Sababtaas ayaana hadda ugu baahanahay in loo saaro urur madax-bannaan oo baaritaan ku sameeya hawlaha laamaha dowladda ee arrintaan la xiriira, ayey Christina Johnsson, oo madaxa qaybta cilmi-baarista ee machadka Raul Wallenberg oo qaabbilsan xuquuqda iyo xeerarka aadanimada oo fadhigiisu yahay magaalada Lund.

Isha: SR