Kooxda Hillaac oo ka aasaasantay Malmö

36 min

Muddo aan sidaa u dheereeyn ayey dalka ku sugnaayeen labada abwaan ee kala ah Cabdulqaadir Xasan Maxamed iyo Maxamed Cali Cismaan. Iyadoona ey muddadaa yar suurtagal u noqotay iney dalka ka aasaasaan markii ugu horeeysay kooxda riwaadahaya ee Hillaac Malmö, looguna talo galay sidii ey kooxdu ku soo bandhigi lahayd riwaayadaha, heesaha, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, gabayada, majaajillada iyo wixii la mid ah. Haddaba labada abwaan ee Maxamed Cali Cismaan iyo Cabdulqaadir Xasan Maxamed oo aan khadka telefoonka ku warreeysaney ayaannu weydiiney su'aallo dhinacyo badan taabanayo. Marka hore iyo Maxamed Cali Cismaan oo wax inooga sheega suugaantiisa: