Iswiidhen iyo Bortuqaal oo caawa isku herdinaya garoonka Friends Arena

Caawa waxaa garoonka Friends Arena lagu cayaarayaa iska hor-imaadkii labaad oo kama dambaysta ahayd oo ay kooxaha qaranka Iswiidhen iyo Bortuqaal isku herdinayaan.

Kooxdii badisana waxay u gudbeysaa tartanka adduunka ee kubbadda cagta oo sannadka dambe 2014 lagu qabanaayo dalka Baraasiil.

Iswiidhen ayaa u baahan in ay Bortuqaal ka badiso si ay uga qaybgasho cayaaraha adduunka ee kubbadda cagta ee Baraasiil.

Haddii ay Iswiidhen ku badiso 1-0, kolkaas cayaarta waa la dheereynayaa oo waxaaba laga in la isla gaaro gool-ku-dhalis. Si kastaba ahaatee waa in ay Iswiidhen cayaartaan ku badisaa laba gool si ay ugu gudubto cayaaraha adduunka.

Kulankii hore oo ay ku cayaareen dalka Bortuqaal waxaa 1-0 ku badisay kooxda qaranka Bortuqaal. Iswiidhenna waxay u baahan tahay in ay ku badiso cayaarta caawa ugu yaraan laba gool oo ay dheer tahay Bortuqaal.

Isha: Radiosporten.