Hadiyadda sannadka ee ciidda masiixiga

Mishin lagu sameeyo cabbitaan laga miiray furuto ama qudaar kala duwan ayaa sannadkaan noqday shay haditadda la isu siin doono xilliga ciidda masiixiga ee foodda inagu soo haysa, sida ay faafisay shirkadda daraasadaha ganacsiga ee lagu magacaabo HUI Research. Mishinkaan waxaa loo isticmaalaa in cabbitaan looga miiro furutada, miraha ama qudaarta qobkoodii wata. 

Waxay noqoneysaa markii 26aad oo shay ay shirkadda HUI magacawdo uu noqdo shay aad loo iibsado xilliga lagu jiro ganacsiga ciidda masiixiga.

Shirkaddaan daraasooyinka samaysaa waxay eegtay laamaha ganacsigu sida wanaagsan ugu socdo iyo waxyaalaha xiisaha gaarka ah loo qabo. Sannadkaan waxaa isha lagu hayaa moodada dayrta oo hadda lagu gudajiro.

Sameecadaha dhegaha ayaa sannadkii hore qaaday hadiyadaha la isa siiyo xilliga ciidda masiixiga.

Isha: TT