Tirada dhallinyarada maskaxda ka xanuunsan oo korodhay

Tirada dadka dhallinta yar oo da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 24 sano oo isbitaalada maskaxda loogu xanuuno xagga maskaxda awgood ayaa soo kordhay boqolkiiba 30 intii ka dambeysey sannadkii 2006. Sidaasna waxaa lagu muujiyey tirakoob ay soo saartay hay’adda gargaarka bulshada oo uu wargeyska SvD daabacay.

Intii ka dambeysey sannadkii 2007 waxay dowladdu ku bixisay ka hortagga caafimaad-darrada maanka lacag gaareysa 3.7 bilyan oo karoon, laakiin in kastoo lacag sidaas u badan lagu maalgeliyey, ayey haddana machadka caafimaadka bulshada iyo hay’adda gargaarka bulshadu warbixin-sannadeedkoodii ugu dambeeyey ku soo bandhigeen tusaalooyin badan oo caddeynaya in caafimaadka xagga maanka ee dhallinyaradu soo xumaaday.

Khubaro badan oo wargeyska SvD la hadlay ayaa xaaladda caafimaad-darrada ah ee dhallinyarada haysata ku sharraxay in tahay dhibaato bulsho oo welwel keeneysa.

Isha: SVD