Dumarka madaxda ah ee ugu badan Iswiidhen waxay ka jiraan laamaha ganacsiga

Iswiidhen ayaa noqotay dalka ay jiraan dumarka madaxda ka ah laamaha ganacsiga marka la barbardhigo dalalka kale ee waqooyiga Yurub, sida lagu muujiyey qoraalka daraasad lagu sameeyey ilaa 500 shirkadood oo ah kuwa ugu waaweyn dalalka waqooyiga Yurub.

190 ka mid ah shirkadhaas 500 ah oo daraasadda lagu sameeyey waxay noqdeen kuwo laga leeyahay Iswiidhen. Waxaa kaloo qoraalka ka muuqda in shirkadaha si cad hawlahooda ugu qeexa arrimaha la xiriira bey’adda, xuquuqda aadanaha iyo musuqmaasuqu ay yihiin shirkadaha ay dumar badani kaga jiraan hoggaanka sare.

Sidaas oo ay tahay ayaa haddana Iswiidhen dhaleeceeyey qoraal kale oo shalay soo baxay in ay ku liidato in dadyowga ay bulshadu ka kooban tahay ay wadamatalaan guddiyada sare ee shirkadaha.

Isha: Ekonomiekot