Ciidamada boliiska oo hawlgalo kedis ku qaaday kooxo xagjir bidix ah

Ciidamada boliiska ayaa maanta subaxnimadii hawlgalo kedis ah ku qaaday tobaneeyo adarees oo yaal aagga Mälardalen iyo Stockholm, halkaasna lagu gacanta lagu dhigay dad badan oo la la xiriiranayo ururka bidixda fog oo la magacbaxay jabhadda kacaanka ah ama Revolutionära fronten. Sidaasna waxaa soo weriyey wargeyska Eskilstuna-Kuriren.

Ururkaan la magacbaxay Jabhadda kacaanka ah wuxuu sannadkii ugu dambeeyey si firfircoon uga muuqdey degaanka Mälardalen, halkaas oo ay weeraro gaaraaya soddomeeyo ku qaadeen kooxaha xagjirta midigta ah.

Fredrik Wallén oo aha afhayeenka saxaafadda ee boliiska gobolka Sörmland ayaa arrintaan ka yiri:

- Wixii saaka dhacay waxay ahaayeen hawlgalo si ballaaran la isugu dubariday oo boliisku ka sameeyey adareesyo ku kala yaal gobolada Sörmland, Västmanland iyo Stockholm. Hawlgaladaasina waxay la xiriiraan falal dembiyo ah oo ay ku hawllan yihiin kooxo ka tirsan xagjirta bidixda ah. Kaasina wuxuu Fredrik Wallén oo ah afhayeenka saxaafadda ee boliiska gobolka Sörmland oo ay wareysatay idaacadda P4 Sörmland.

Isha: P4 Sörmland