Fadeexad musuqmaasuq oo ka dhacday degmada Uppsala

Musuqmaasuq la xiriira hawlaha guryaha oo laga kashifay degmada Uppsala. Guryo badan oo degmadu leedahay ayaa dad aqoonin ah looga kireeyey qiime ka hooseeya kan suuqa, sida uu soo weriyey wargeyska Upsala Nya Tidning.

Laba qof oo ka shaqeeya maamulka degmada ayaa lagu tuhunsan yahay in ay galeen musuqmaasuq, waxayna noqon doontaa in shaqada laga cayriyo. Laba qof oo kale ayaa shaqada looga joojiyey inta ka soo baxayso natiijada baaritaan ku socda, halka mid kalena lagu dacweeyey boliiska.

Si dhab ah loo ma hubo inta ay dhan tahay lacagtaas la musuqmaasuqay. Waxay noqon kartaa malaayiin karoon oo la soo musuqmaasuqaayey muddo 20 sano ah.

Falalkaan musuqmaasuqa waxaa lagu kashifay kadib markii hantidhawr degmada ka madaxbannaan uu sameeyey baaritaan.

Isha: UNT, TT