Christian Ronaldo oo rajadii Iswiidhen burburiyey

Cayaarta xalay ku dhexmartay kooxaha qaranka ee Iswiidhen Bortuqaal ayaa jaro laga qabay in ay Iswiidhen u gudubto ka qaybgalka cayaaraha kubbadda cagta adduunka oo lagu Cayaarta xalay ku dhexmartay kooxaha qaranka ee Iswiidhen Bortuqaal ayaa jaro laga qabay in ay Iswiidhen u gudubto ka qaybgalka cayaaraha kubbadda cagta adduunka oo lagu qaban doono Baraasiil sannadka dambe, balse Ronaldo ayaa taas cirka ku laalay kadib markii uu saddex gool halkaas ka dhaliyey.

Zlatan oo ahaa cayaartoyga keliya oo kooxda Iswiidhen ka ahaa laacib caalami ah ayaa dhaliyey laba gool oo ay mid ahayd kubbad dhinaca laga soo laaday oo uu madaxa ku geliyey shabaqa goolka Bortuqaal.

Si kastaba ha ahaatee, laacibka cayaarta wacdaraha ka muujiyey wuxuu ahaa Christiano Ronaldo, oo ah laacib u cayaara naadiga Real Madrid.

Isha: Radiosporten