Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Buug laga qoraya Jan Guillou oo dib dukaamada looga soo celinayo

La daabacay tisdag 7 januari 2014 kl 15.33
Qoraaga iyo suxufiga Jan Guillou. Sawirle: Øijord, Thomas Winje/NTB scanpix/TT

Shirkadda buugaagta daabacda ee Norstedt ayaa joojineysa iibinta buugga lagu magacaabo "Höjd över varje misstanke: En bok om Jan Guillou", oo uu qoray Paul Frigyes, kuna saabsan taariikh-nololeedkii Jan Guillou. Bogga internet ee Norstedts ayaa lagu qoray in shirkaddu ay hadda qorsheyneyso in ay ”baarto qaladaadka la sheegay in ay ku qoran yihiin” buugga.

Buuggaan ayaa loo soo jeediyey dhaleeceyn badan oo ay mid yihiin qalalaad ku qoran sida lagu bandhigay dood maanta telefishanka SVT ku dhexmartay Guillou iyo qoraaga buugga.

Halkaas wuxuu Jan Guillou ka sheegay in buugga lagu soo bandhigay in uu yahay nin been ku caanbaxay.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".