Feeradii laga isticmaalay dugsiga Lundsberg. Sawirle: Polisens förundersökningsprotokoll.

Wiilashii dugsiga Lundsberg oo maanta maxkamad la soo taagayo

Waxaa maanta maxkamad la soo taagaya wiilashii wiil kale oo ku cusub dugsiga la seexdo ee Lundsberg ku guday birta dharka lagu feereysto. Wiilkaas oo afar iyo toban sano jir ahaa ayaa dhaawacyo gubasho soo gaareen.

Wiiilashaas maxkamadda la soo taagayo oo tiradoodu dhan tahay sagaal ayaa lagu eedeeyey hanjabaad sharcidarro ah ama dibindaabyeyn. Labo ka mid ahna waxaa maxkamadda lagu soo taagey in ay dhaawacyo gaarsiiyeen qof kale. Balse maxkamadda looma soo taagayo in ay jirdil geysteen.

Ardayda dugsiga ayaa caadeystey in ay ardayda cusub u sameeyaan xaflad soo dhoweyn ah, balse ay xafladda badaana u dhacdo hab cabsigelin ah, iyagoo isticmaalaya feero. Hay’adda kormeerka dugsiyada ayaa digsiga horay ugu dhaleeceysey in ardayda yaryar ee dugsiga loo geysto cadaadis iyo dibindaabyeyn.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".