Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Madax sare ee xisbiga SD oo Facebook ku faafisay muslim-nacayb

La daabacay onsdag 8 januari 2014 kl 11.11
Sawirle: TT.

”Kufsigu waa mid si qoto dheer ugu saleysan dhaqanka islaamka”, ayuu Michael Hess oo ah kuxigeenka hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna ee degmada Karlskrona ku qoray boggiisa Facebook.

Waxay ahayd 9kii bishii Luulyo 2013 kolkii uu Michael Hess qoray:

"Haddaad suxufiyiinta tihiin goormaad arki doontaan in ay dhaqanka ku xididdeysatey in gabdhaha la garaaco oo la kufsado haddii ay ku dhaqmi waayaan sida diinta islaamku fareyso. Xiriir ballaaran ayaa ka dhexeeya kufsiga Iswiidhen ka dhaca iyo dadka ajnebiga ah oo ka soo jeeda dalalka MENAr". Dalalka MENA waxaa loo la jeedaa dalalka Bariga Dhexe (Middle East) iyo Waqooyiga Afrika (North Africa).

Linus Bylund oo ah xoghayaha saxaafadda ee Jimmie Åkesson ayaa wargeyska Blekinge Läns Tidning u sheegay in hadalkaas la faafiyey uusan ahayn mid cunsuriyadi ku dheehan tahay ee uu yahay mid xaqiiqo ah, isagoo intaas ku daray in ay ”Quraanka ku qoran tahay in la kufsado dumarka gogoldhaaf sameeya”. Qaladna ma ahan in xaqiiqada la isticmaalo marka wax laga faalloonayo, ayuu hadalkiisa raaciyey.

Jan Hjärpe oo ah caalinka diinta Islaamka ku takhasusay oo ka hawlgala jaamacadda Lund ayaa isla wargeyskaas u sheegay in aan waxaas iyo wax la mid ah laga heleyn Quraanka. Maanta quraafaadyada dhaqso ayaa loo faafin karaa iyadoo la adeegsanayo aaladda Internet oo ma ahan sidii waayadii hore oo wararka afka la isaga sheegin jirey, ayuu  yiri Jan Hjärpe oo arrintaan u arka mid khatari ka iman karto.

Jan Hjärpe wuxuu intaas ku daray in ”dadka aan arrintaan wax kala soconi ayquraafaaddaas run moodi karaan”.

Linus Bylund ayaa mar dambe wargeyska DN u sheegay in hadalkiisii si qalad ah loo soo xigtey.

Isha: P4 Blekinge & DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".