Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Soomaaliya waa waddan leh taariikh iyo suugaan soo jireen lagu faani karo

La daabacay onsdag 8 januari 2014 kl 12.17
Dhallaanku waxey la fajacaan waxa Soomaaliya sidaa ka dhigay
(7:51 min)
Cabdirashiid Shiikh Biixi oo gacan ka geeysta mashruuca sidii dhallaanka loogu barbaarin lahaa dhaqankooda magaalada Kristianstad. Sawirle: Rebecka Erici Sveriges Radio.

Ruux walba wuxuu xaq u leyahay inuu suurtagal u helo sidii uu ku baran lahaa taariikhdiisa iyo taariikhda dalka uu asal ahaan ka soo jeedo ama waalidiintiisu ka soo jeedaan. Iyada oo middaa laga tallaabo qaadeyo ayaa lagu tallaabsadey qorshe loogu magac-darey "Egna röster, egna bilder - codkeeyga, sawirkeeyga", looguna talo-galey sidii dhallaanka soomaaliyeed ee dalkan ku dhashay ama ku barbaarey loogu dhiiri-gelin lahaa dhaqankooda, sida uu sheegay Cabdirashiid Shiikh Biixi oo ku dhaqan magaalada Kristianstad kana mid ah dadyoowga gacanta ka geeysaneya hoowshan ee nawaaxiga uu kaga dhaqan yahay:

Isagoona intaa raaciyay in baahida qorshahan ka dambeeysaa tahay sidii ey dhallaankaasi ku ogaan lahaayeen inuu jiro waddan ey ka soo jeedaan oo leh taariikh soo jireen ah iyo sawir ka bedelan midka iminka ka muuqda ama laga bixiyo.

Cabdirashiid Shiikh Biixi, wuxuu ku dhashay oo tacliintiisa illaa heer jaamicadeed ku soo qaatay soomaaliya. Cabdirashiid Shiikh Biixi wuxuu Iswiidhen ku sugnaa laga soo bilaabo illaa iyo sannadkii 1992, iminkana ka howl-gala shirkadda gaadiidka dad-weeynha ee nawaaxiga Kristianstad.

Dhallaanka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee ku dhasha ama ku kora dibadaha, qaasatan waddammada Yurub ayey dhegahoodu ka dhereg-san yihiin xumaanta dalka ey asal ahaan ka soo jeedaan. Dagaal-sokeeye, abaarro, jaahil-nimo, is-jiidjiid, kala qoqobnaan iyo wixii la mid. Muxuu haddaba mashruucan yahay ama dhallaanka Kritianstad looga sheegaa oo ku dhallin-kara dhallin-yarada oo farxad gelin kara ama ogeeysiin kara iney leeyihiin dal qiimo leh. Cabdirashiid Shiikh Biixi iyo mar kale:

Shakhsiyaadka ey dhallin-yaradu dhageeystaan, ahna kuwo leh waayo-arag-nimo iyo taariikh kala duwan ayuu noo sheegay Cabdirashiid Shiikh Biixi inuu ka mid aha asarkaal horay uga tir-sanaan jiray golihii sare ee kacaanka ee dawladdii Maxamed Siyaad Barre:

Dhowr jeer ayuu Cabdirashiid Shiikh Biixi carrabka ku dhuftay dhaqanka iyo suugaanta soo jireenka ah ee soomaalidu leedahay, isaga qudhiisuna uu ka mid yahay fannaaniinta curisa heesaha, isagoona sheegay in heesta uu heesihiisa ugu jecel yahay ay tahay heesta loogu magac-daro tacliin. Haynoo faahfaahiyo fikirka heestani xagga ey ka salka ku hayso.

                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".