Isbitaalka weyn ee Växjö. Sawirle: Lennart Nilsson/Sveriges Radio.

Ruux hor leh ayaa u dhintay bakteeriyo xiidmaha gasha

Qof ayaa ku geeritoodey Isbitaalka weyn ee Växjö kadib markii ay bakteeriyo xiidmaha gashaa asiibtay. Waxaana hadda la rumeysan yahay in qof kale uu isla bakteeriyadaas ugu isla qaybta isbitaalka.

Bakteeriyadaan ayaa horay u sababtay dhimasho oo ka dhacday isbitaalo ku yaal dalka Daanmark.

Waxaa hadda isbitaalka Växjö laga bilaabay tallaabooyin cusub oo looga hortegayo fididda bakteeeriyadaas. Maanta gelinkii horena waxaa shaqaalaha isbitaalka loo qabtay shirka lagu wargelinayo.

Haddaba si looga hortago in aysan bakteeriyadaasi fidin waxaa qofkii la tuhmo la qaadayaa baaritaano lagu hubinayo haddii uu bakteeriyadaas qaaday iyo haddii kale. Dadka bakteeriyadaas lagu helana waxaa lagu takoorayaa qolal gaar ah oo musqulahooda leh.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".