Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

"Ardayda shisheeyaha ha lagu soo jiito deeq waxbarasho "

La daabacay onsdag 8 januari 2014 kl 13.18
Sawirle: Anders Wiklund/Scanpix

Wixii ka dambeeyey markii Iswiidhen ku soo rogtey in ardayda ka timaadda dalal ka baxsan Midowga Yurub ay khidmad ka bixiyaan waxbarashada jaamacadaha, waxaa aad hoos ugu dhacay tirada ardayda dibedda ka timaadda.

Taasi in waxyeeleyneyso awoodda tartanka Iswiidhen ayey koox ka kooban madax shirkadaha ganacsiga iyo hormuudyo jaamacadaha oo maanta maqaal ku soo qoray bogga doodaha ee wargeyska Dagens Nyheter.

Waxay dadkaas maqaalka qoray soo jeediyeen hindise ah in la dejiyo nidaam deeq waxbarasho oo lagu soo jiidanayo ardayda shisheeyaha ah si ay Iswiidhen wax ugu bartaan.

Nidaamkaan deeqda waxbarashana waxaa lagu maalgelinayaa canshuurta laga qaado ardayda ka tmid dalalka Yurub ka baxsan oo markii ay waxbarashada dhammeystaan sii jooga Iswiidhen oo ka shaqeysta ugu yaraan shan sano.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".