Magnus Falkehed iyo Niclas Hammarström. Sawirle: Sophie Bassouls and Leif R Jansson/TT

Weriyayaashii iswiidhishka oo Suuriya lagu haystey oo la siidaayey

Labadii weriye oo kala ahaa Magnus Falkehed iyo Niclas Hammarström ayey hadda siidaayeen dadkii ku haystey meel Suuriya ku taal. Sidaasna waxaa wakaaladda TT u xaqiijisey wasaaradda arrimaha dibedda ee Iswiidhen. Weriyayaashaan waxaa Suuriya lagu qafaashay 23 sebteember iyagoo booqasho shaqo ku jooga dalka Suuriya oo dagaal sokeeye ka aloosan yahay.

Carlotta Ozaki Maciás oo wasaaradda arrimaha dibedda u qaabbilsan xiriirka ayaa wakaaladda TT u xaqiijisey in weriyayaashaasi ay hadda xorriyaddoodii dib u heleen.

- Hadda waxaa weriyayaashaas gacanta ku haya shaqaalaha safaaradda Beyruut noo fadhida, ayey tiri Carlotta Ozaki Maciás.

Waxayse ka gaabsatay in ay wax ka tiraahdo xaaladdooda caafimaad ama xaaladda ay ku sugan yihiin iyadoo tixraaceysa ciidanka dembi-baarista oo xil ka saaran yahay arrimaha la xiriira dad-qafaalashada.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".