Lo' bakhti ah oo laga helay bannaanka Trelleborg. Sawirle: Malin Thelin/Sveriges Radio

Lo’ bakhti ah oo laga helay xeebaha u dhexeeya Iswiidhen iyo Daanmark

Toddobaadkii ugu dambeeyey waxaa xeebaha koonfureed laga helay bakhtiga lo’ badda sabbeynaya. Waxaa loo maleynayaa in laga soo daadshey maraakiib baddaas mareysa ama xeebaha Ruushka mid ka mid ah. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Sydsvenskan.

Waa wax laga murugoodo in lo’daas ay xargo uga xirnaayeen lugaha dambe, ayuu yiri Greger Persson, oo oo ah madaxa diyaargarowga ee degmada Trelleborg, kana mid ahaa dadkii soo guray bakhtiga lo’daas.

Greger Persson wuxuu boliiska u diray sumadaha ku dhegsanaa lo’daas bakhtiga ah. Boliiska ayaa hadda baaraya haddii ay dhacdadaani tahay dembi laga bey’adda. Wakaaladda beeraha iyo xoolaha oo baaritaan ku sameysey mid ka mid ah astaamo bir ka sameysan oo ku dhegsanaa lo’daas, ayaa ku qiyaastay neefkaasi ka yimid dal ka baxsan Midowga Yurub.

Wakaaladda beeraha iyo xoolaha ayaa hadda ku talajirta in jirka lo’daas qasho oo baaritaan ku sameyso si loo ogaado sababta ay u bakhtiyeen iyo haddii ay qabaan cuduro sii faafi kara.

Lo’daas bakhtigeedu badda sabbeynaayey waxaa kaloo laga helay dalka Daanmark oo sida saxaafaddu faafisay laba sac oo bakhti ah laga helay xeebta koonfureed ee Loland.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".