Mid ka mid ah telefoonnada la dirsado ee bulshada ka dhexeeya. Sawirle: Mikael Eriksson/Sveriges Radio.

Lambar cusub "telefoonka degdegga dhallaanka"

Waddammada isku baheeystey ururka Midowga Yurub ayuu ka howl-galay lambar telefoon degdeg ah ee loogu talo-galey dhallaanku haddii ey gacanta waalidka ka dhumaan. Lambarka cusub ee dhallaanka ahna 116 000 oo ay dawladdu hir-gelisay waxaa lagu isticmaali karaa meel walba oo aad ka joogto waddammada ku midoobey ururka Miodwga Yurub.

Lambarka degdegga dhallaanka, ahna mid bilaash ah waxaa howlihiisa maareeyn doonta shirkadda SOS Alarm, waana mid shaqeeyn doona 24-ka saac iyadoo ay shirkaddu ku xiri doonto waalidka la soo xiriira ciidanka ammaanka iyo heyadaha kale oo ey khuseeyaan, sidii si dhakhso leh loogu heli lahaa dhallaanka baadi-goobka loogu jiro.

"Maadaama ey aad kor ugu kaceen safarrada muwaadiniinta isaga gooshta waddammada EU-da ayaa loo arkey baahi jirta sidii taageero buuxda loogu fidin lahaa martida ey dalkan kaga lumaan dhallaanka muddada ey safarka ku joogaan Iswiidhen. Waa mid loo baahan yahay inuu dalka ka shaqeeyo telefoonno degdeg ah, maadaama ey welwel aad u ballaaran ku dhaliso waalidka, qaraabada iyo dadyoowga kale ee xiriirka la leh dhallaanka dhuma", sida ay war-saxaafadeed ku qortay wasiiradda difaaca ee dalka Karin Enström.

Isha/ Stockholm (TT)

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".