Markus Maeurer oo ah caalin ka hawlgala Machadka Karolinska, ahna mas'uul habka cusub oo lagu daaweynayo cudurka qaaxada TBC. Sawirle: Ulf Sirborn.

Hab cusub oo lagu daaweeyo qaaxada oo tijaabo lagu hayo

Daraasad cusub ayaa muujisey in difaaca jirku daaweyn karo bakteeriyada qaaxada nooceeda adkeysiga badan. Mashruuca daraasadaan oo hadda lagu tijaabinayo dalka Belaruush, halkaas oo ay ku sugan yihiin kulumo ka socota Machadka Karolinska oo iyaga uu xilka ugu weyni ka saaran hirgelinta mashruucaas.

Habkaan cusub ayaa ka kooban daaweyn caadi ah iyo in unugyo laga soo qaado dhuuxa qofka buka si loo xoojiyo difaaca jirka. Habkaana waxaa hadda lagu talajiraa lagu tijaabiyo dalka Koonfur Afrika oo uu madaxa mashruuca Markus Maeurer oo ka hawlgala Machadka Karolinska ku rajo weyn yahay.

- Kadib kolka sidaas la sameeyo waxaan ku rajo weynahay in dadka bukaanka ah dib loogu celiyo qoysaskooda, maadaama aysan bakteeriyadaasi ku faafeyn bulshada inteeda kale, iyo in dadkaasi ay dhaqso ugu noqon karaan shaqooyinkoodii, ayuu yiri Markus Maeurer.

Cudurka qaaxada ama tiibishada oo lagu kala qaado hawada waxaa sannad walba dunida ugu dhinta dad gaaraya hal milyan iyo bar.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".