Fannaanka Timbuktu oo khudbad caan noqotey ka jeedinayey baarlamaanka Iswiidhen sanndkii tegey. Sawirle: Henrik Montgomery/TT

Garyaqaanka guud uma arko in heestii Timbuktu ay hanjabaad ku tahay SD

Garyaqaanka guud ayaa sheegay in uusan baaritaan ku bilaabi doonin heestii "Svarta duvor och vita liljor" oo ay wadajir isu la Timbuktu iyo Sebbe Staxx.

Heestaan oo dhaleeceynta loo soo jeediyey waxaa ka mid ahaa "dunka Jimmie gul och blå" oo micneheedu yahay ”ha la garaaco”, tixdaas oo loo fasirtay mid hanjabaad ku ah hoggaamiyaha xisbiga SD Jimmie Åkesson, laakiin hadda uu garyaqaanka guud u arag in ay hanjabaad tahay oo sidaas awgeedna aan baaritaan lagu sameyn doonin.

Isha: P4 Malmöhus

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".