Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Gaadiidka tareenada Stockholm oo ay la soo gudboonaatey carqalad hor leh

Mid ka mid ah xargaha korontada oo soo go’ay meel u dhow maxaddada Karlberg ee waqooyiga kaga aaddan Stockholms central ayaa sababay in dib u dhac ballaarani ku yimaado tareenada u goosha degmooyinka ku yaal waqooyiga Stockholm.

Dib-u-dhacaan tareenaduna waxay saameyn ku yeelanayaan dhammaan tareenada xaafadaha, tareenada SJ iyo tareenada aada garoonka diyaaradaha ee Arlanda.

Muddo saacad ah ayey yareenadu halkaas ka istaageen, laakiin hadda waxaan lagu guuleystey in la furay labo ka mid ah lixda waddo ee tareenada, sida laga soo xigtay Wakaaladda gaadiidka.

Cilladdaana waxaa sababay xarig bir ah oo ka wiisha dhismayaasha loo isticmaalo oo intuu soo go’ay taabtay mid ka mid  xargaha korontada oo halkaas dul maraayey. Waxaa la qiyaasayaa in cilladdaan wax laga qabto kolka saacaddu tahay siddeedda fiidnimo ee caawa.

Waxay ahayd maalinyii talaadada kolkii uu tareen kuwa xamuulka qaada ahi uu ka baxay waddadii uu ku socdey meel ku taal koonfurta Stockholm, taas oo sababtay dib u dhac ballaaran oo ku yimid gaadiidka tareenadu.

Isha: TT, Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".