Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ardaydii dugsiga Lundsberg: ”Uma dan lahayn inaan cid waxyeelno”

La daabacay torsdag 9 januari 2014 kl 15.31
Dhaawacii soo gaarey wiilkii 14 sano jirka ahaa oo feerada lagu gubey. Sawirle: The police investigation

Dacwaddii maxkamadda ee ku socotey sagaal ardayda oo dhiganayey dugsiga la seexdo ee Lundsberg ayaa weli socota iyadoo ardaydaas lagu soo oogey dembi ah hanjabaad sharcidarro ah. ardaydu waxay maxkamadda ka sheegeen in ay dareensanaayeen in ay khasab u tahay in ay qabtaan xafladda carbinta ardayda cusub, iyo in uu maamulihii xilligaasi u sheegay ”inaysan mamnuuc ahayn”.

Ardaydaani waa diiddan yihiin in ay dembi galeen, waxayna hoosta ka xariiqeen in aysan marnaba madaxa ku hayn in ay cid dhaawac u geystaan. Qof shaqaale ka ahaa dugsiga oo isagu u oggolaaday ardayda in ay isticmaalaan feerada ayaa isna iska fogeeyey in uu wax dembi ah galay isagoo sheegay in ay ku adkeyd in uu ku dhiirrado inuu diido sida maamulaha dugsigu doonayey.

Isha: P4 Värmland

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".