Shaqaalihii Thailand oo ugu dambeyntii mushaarooyinkoodii la siiyey

In kor u dhaaftay kala bar oo bar shaqaalihii reer Thailand oo Iswiidhen loo keenay in ay miro ka guraan ayaa hadda mushaarooyinkoodii la siiyey kadib markii ilaa xagaagii lagu soo dhaafay mushaar-la’aan ahaayeen. Shaqaalaha oo miro ka guri jirey degaano ku yaal gobolada Västerbotten och Värmland ayaa hadda mushaarooyinka ku helay heshiis lala galay shirkaddii taylaandiiska ahayd ee dadkaas keentay, shirkaddaas oo lagu magacaabo M Phoenix Enterprise.

Mushaaroorinka sida lagu heshiiyey la bixin doono 20 bisha Jannaayo ayaa u dhexeeya 15000 ilaa 23000 oo karoon qofkiiba.

Waxaa jira ilaa 200 oo qof oo miro-gurayaal ah oo aan weli wax mushaarooyin ah helin.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".