Dalab in dowladdu la wareegto dayactirka waddooyinka tareenada

Tareenadii waqtiyadii dambe waddooyinka ka baxaayey iyo carqaladihii soo foodsaaray gaadiidka tareenada ayaa dhaliyey dalab ah in dowladdu la wareegto waddooyinka tareenada. Dadkii dalabkaas soo jeediyey waxaa Stina Bergström, oo iyadu xubin ka ah guddiga baarlamaanka u qaabbilsan gaadiidka:

– Waxaa noo muuqda in dalal kale ay sidaas sameeyeen, sida dalka Ingiriiska oo soo maray halka ay Iswiidhen soo martay oo ah in hawlaha dayactirka qandaraas lagu shirkado gaar ah. Taasina waa ay shaqayn weydey oo waxaa ka dhashay shilal badan oo khatar ah. Kadibna waxaa hawlaha dayactirka dib loogu celiyey dowladda. Taasina waxay Stina Bergström oo ka tirsan xisbiga Doogga, xubinna ka ah guddiga gaadiidka.

Waxay ahayd 25 sano ka hor kolkii hawlaha gacan ku haynta gaadiidka tareenada oo ay gebi ahaan dowladdu maamuli jirtey. Intaas kadibna waxaa hawlaha dayactirka gaadiidka tareenada lagu wareejiyey shirkado gaar loo leeyahay. Sidaas ayuuna gaadiidkii tareenadu ku soo bateen oo ay hadda laba jibbarka tiradii bilowgii sanadihii siddeetameeyadii.

Xisbiga sooshiyaal-dimoqraadiga oo isaguna doonaya in la xaddido shirkadaha ku hawllan gaadiidka tareenada ayaa oggolaan kara in ay dowladdu la wareegto dayactirka waddooyinka tareenada intiisa badan. Balse dowladda ayaa fekerkaas gacanta ku sayrisay. Wasiiradda hawlaha guud Catharina Elmsäter-Svärd ayaa sheegtay in ay taasi qaali ku noqoneyso dowladda maadaama haddii sidaas la sameeyo ay khasab noqoneyso in heshiisyo badan laga noqdo.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".