Boqorka iyo boqoradda Iswiidhen Silvia iyo Carl XVI Gustaf. Sawirle: Fredrik Sandberg/Scanpix

Boqorka oo ku dhawaaqay ka qaybgalka dabbaaldegga sannadguurada dastuurka Noorwey

Boqorka Iswiidhen boqor Carl XVI Gustaf iyo boqoradda Silvia ayaa hadda isbeddeley oo ku dhawaaqay in ay ka qaybgelayaan dabbaldegga sannadguurada laba boqlaad ee dastuurka Noorwey oo la qaban doono 17ka Mey.

Qoyska boqorka oo horay u sheegay in aysan ka qaybgaleen ayaa caro ka dhalisay dalka Noorwey. Sababna waxaa diidmadaas looga dhigay in uusan boqorku ka qaybgelin dabbaldegga maalmaha qaranka ee waddamada kale.

Balse hadda ayey caddeeyeen in ay Noorwey tegi doonaan oo ka qaybgeli doonaan maalinta dabbaldegga dastuurka Noorwey.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista